Akhriso:- Wasaaradda Amniga DFS oo Warka soo saartay rabshadaha ka socda Baydhabo

0

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa looga hadlay rabshadaha Maalintii labaad ka socda Magalada Baydhabo ee G/Baay.

Qoraalka Wasaaradda amniga kasoo baxay ayaa waxaa Shacabka Magalada Baydhabo loogu baaqay inay ilaaliyaan xasiloonida.

Sidoo kale Shacabka ayaa laga dalbaday inay la Shaqeeyaan kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxana la faray laamaha Amniga ka Shaqeynta Amniga Magalada Baydhabo oo ay weli rabshado ka dhacayaan.