SAWIRRO:-Qaraxyo Gawaari Lagu Qariyay oo Lagu Qabtay Magaaladda Baydhabo

0

Ciidamadda amaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaaladda Baydhabo kusoo bandhigay Bambaanooyin la doonayay in qaraxyo loogu geysto Magaalada.

Bambaanooyinka oo lagu soo qirayay Loorarka Masagada ayaa taliska ku guuleystay inay ka soo saaran baabuurkii lagu soo qariyey.

Wadihii baabuurka oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegey in uusan waxba ka ogeyn banbooyinkan laguna soo qiyaanay.

Wasiirka wasaarada amniga gudaha dowladd goboleedka KGS mudane Xasan Xuseen Maxamed Eeley ayaa u mahad celiyey sarkaalkii kusoo guuleystay inuu soo qabto banbooyinkaan isagoona xusay in loo abaal gudo.

Dhanka kale Wasiirka Amniga KGS Xasan Xuseen Maxamed waxa uu carabka ku adkeeyey in daraawalada wadada gawaarida in marna laga yeleynin inay soo geliyaan Magaalada waxyaabaha lagu dhibaateeyo shacabka, xili sidoo kale ay doorasho ka dhici doonto.