SAWIRRO:-Dr,Bashiir Maxamed Xuseen oo Garoowe kaga dhawaqay inuu u sharaxanyahay xilka Madaxweynaha 2019ka.

0

Dr, BashiirMaxamed Xuseen oo ah aqoonyahan qaatay Shahaadada PHD ayaa Magaaladda Garoowekaga dhawaaqay inuu u tartamidoono xilka Madaxweynaha Dowladda Puntland eedoorashadda 2019ka.

Munasabad ay kazoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulsho weynta reer Puntland ayaa lagu qabtay hoolka shirarka Newrays Garoowe,waxaana hadalo ka jeediyey Aqoonyahano,siyaasiin,Culimo,Haween,Dhalinyaro iyo saladiin dhaqan,waxaana ay dhamaantood soo dhaweyeen Musharax Bashiir oo ay hoga tusaleyeen inta ay ka yaqaniin iyo waxa ay ka filayaan hadii uu hanto xilka ugu sareeya Madaxtinimada Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Musharax Madaxweyne Dr,Bashiir waxaa uu sharaxay ujeedooyinkii Puntland loo asaasay iyo guulihii laga gaaray intii ay jirtay,iyadoo marxalado kala duwan soo martay,wuxuu u mahadceliyey asaasayaashii iyo waxgaradkii ku bixiyey dhaqalaha ,caqliga ,talada iyo hantidooda si ay u miro dhasho.

Dr,Bashiir waxaa uu sheegay in xilkaan doonistiisa ay ku kalifeen arrimo ay kamidyihiin Amniga oo aad u habacsan,talo galin la,aan haysata dadka reer Puntland ee wax bartay ,waxaa uu xusay musharaxu inuu hogaanka kuwadidoono wadatashi,dhagaysiga iyo hagar la,aan shaqo “Waxaan ku dadaalidoona hay,ado dowli ah oo si hufan u shaqeeya,waxaan ka dhabaynayaa murayadda puntland oo ah xafiiska Madaxtooyada,ma noqon doono madaxweyne dadka ka maagta oo la kala qariyo isaga iyo dadweynaha,waxaan balanqadayaa inan dhimo wasarado iyo wakaaladaha magic u yaalka ah,waxaan maalinta kowaan u aqoonsandoona Masiibo qaran Musuqmasuaqa,waxaa ka beerma musuqa Faqriga,Eexda,shaqo la,aanta Amni xumada iyo wixii lamid ah”.Dr,Bashiir.

Musharaxu waxaa uu hoosta ka xariiqay in uu xooga saaridoono nabadeynta bulshada Puntland iyo guud ahaan bulshooyinka kale ee Soomaaliya,iyadoo si gaar ah loo dhiirigelinayo hay,adaha nabadgelyada qaabilsan ee Puntland.

Munasabadda uu musharax Dr,Bashiir Maxamed Xuseen uukusoo bandhigay mushaxnimadiisa iyo ahmiyada ay u leedahay inuu hanto hogaankaPuntland ayaa kusoo idladay hanaan degan.