SAWIRO:- Ciidamadda Dowladda oo Howlgalo qorshaysan ka fuliyeey Galgaduud

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybtooda 21aad ayaa howlgallo looga hortagayo dadka xaalufinaya dhirta waxa ay ka bilaabeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidamada Xoogga ayaa howlgalka waxa ay sigaar ah uga fulinayeen Deegaanada u dhexeeya degmooyinka Caabudwaaq iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud,iyaga oo fulinaya heshiis ay horay u gaareen Odayaasha Dhaqanka deegaanada howlgalka laga sameeyay.

Ilaa Afar ruux oo ku howlanaa shidida dhuxusha ayaa Ciidamadu xireen,waxaana sidoo kale ay la wareegeen Agabkii ay kooxdaasi adeegsanayeen iyagoo bur buriyay Goobihii Dhuxusha lagu shidayay.