SAWIRO:- Aqalka Sare Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’ada Naafada Qaranka

0

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 11-aad ee xildhibaannada ee Golaha Aqalka sare ay Maanta ku yeesheen xarunta Golaha Aqalka sare ayaa ahaa ajandaha Aqrinta labaad ee hindise-sharciyeedka dhismaha Hay’adda Golaha Naafada Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qyb gashay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka , Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf, iyadoo fadhiga guud ee Aqalka sare ay ku sugnaayeen 31, xildhibaan.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Diinta iyo Awqaafta iyo Xuquuqul Insaanka ee Aqalka sare, Sanetor, Samsam Ibraahim Cali, ayaa xildhibaannda Aqalka sare ka codsatay in la dadejiyo Dhismaha Sharciga hay’adda Naafada Qaranka, taas oo muhiim u ah Dadka uu Lixaadkooda dhammaystirnayn.

Guud ahaan Xildhibaannadii ku sugnaa Fadhiga ayaa isku raacay in la meel mariyo sharciga Dadka naafada ah, iyadoo cod Gacan taag ah lagu axsixiyay.