Magacyada Al-Shabaab Oo Saddex Ruux Toogasho Ku Fuliyay

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa waxa ay fagaaro ku yaalla deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose dil toogasho ku fuliyeen Saddexda Ruux oo ay ku eedeynayeen inay ka tirsanaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saddexda Ruux ayaa laba ka mid ah Al-Shabaab waxa ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ciidamada Dowladda halka kan Saddexaad uu ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso Magacyada dadka la toogtay.

Maxamad Cabdullaahi Abuukar iyo Maxamad Faaarax Aadan ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ciidamada Dowladda halka Maxamad Tifow Abuukar ay sheegeen in uu ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa horay xukuno dil u badan ku fulisay dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.