Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay Gobolka Bakool

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Bakool ee K/ Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Dagaalyahannada Al Shabaab iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya.

Waxaana dagaalkan uu yimid, kaidb markii Al Shabaab ay weerar dhabo gal ah ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidankaasi oo ku socdaalayay agagaarka degmada Waajid ee gobolkaasi.

Weerarka kadib ayaa la sheegay in dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaasi, iyadoona labada dhinac ay is weydaarsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan ayaa baahiyay in khasaaro xoogan ay gaarsiyeen Ciidamada Itoobiya, walow aysan xaqiijin inta uu la’egyahay.