DHAGEYSO:- Amar la Duldhigay Ciidamada ilaalada Musharaxiinta Madaxtinimo ee Puntland 2019

0

Magaalada Garowe ee Caasimada dawlada Puntland ayaa waxaa kusii qul qulaya Musharaxiin tiro badan oo u socda qabashada Xilka Madaxweyninimo ee Puntland 2019.

Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal Mudane Xassan C/laahi Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa sheegay inaysan Musharaxiinta Amniga Caasimada Faraha ka saarin Gaar ahaana ciidamada ilaada u ah Musharaxiinta oo hub aysan la Aadi karin Magaalada Marka aysan Shaqo ku jirin.

Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in musharaxiinta laga doonayo inay si dhow ula socdaan Dhaq dhaqaaqa Ciidamadooda ilaalada u ah iyo Hubka ay Wataan.