Ciidanka Dawladda Oo Hawl-gal Kawada Shabeellada Hoose

0

Wararka ka imaanaya deegaano dhowr ah oo ay ku jirto Dhaqaane waxa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda ay halkaa ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Deegaanadaan ah kuwo xeebta ah oo ku xira Magaalada Muqdisho, waxa ay wararka intaa ku darayaan in ciidamada Dowladda ay ku siqeen Deegaano horleh oo aysan horay ugu sugneen.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo saraakiil kale oo katirsan Militariga Soomaaliya ayaa sacaadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay ku noq-noqonayay Deegaanada Xeebta ah ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda.

Waxa ay Ciidamada kala hadlayeen sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka Wadada Xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka, oo qaraxyo ka dhacay Al-Shabaab marar badan sheegteen.

Ciidamada halkaa ku sugan ayaa la geliyay feejignaan sare, deegaanada qaar waxa ay ka sameynayaan kormeer ay ku sugayaan ammaanka wadada, si aan Al-Shabaab Miino u gelin, una joogsan isku socodka Ciidamada ee wadadaasi.

Tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkaan Ciidamada Dowladda waxa ay culeys saareen deegaanada xeebta ah ee hoos taga Magaalada Marka, Maamulka Magaalada Marka ayaa horay u sheegay in wadada Xeebta ee Muqdisho iyo Magaalada isku xirta ay Muhiim u tahay Askarta iyo dadka ku safro.