AKHRISO:- Wararkii ugu dambeyeey Baydhabo oo lagu qabtay Gaari walxaha sida

0

Ciidanka amniga ee magaalada Baydhabo ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen(Eelaay) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaariga lagu qabtay mid kamid ah kontoroolada magaalada.

Xasam Maxamed Xuseen(Eelaay) ayaa si weyn ugu mahadceliyay ciidanka amniga ee gacanta ku dhigay.

Ujeedada walxahan qarxa ayuu ku sheegay in ay ahayd mid la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Koonfur Galbeed.

Baydhabo ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo 19ka bishaan doorashada maamulkaas,waxaana si weyn loo adkeeyay amniga guud ee magaalada.