AKHRISO:- Itoobiya Oo Sheegtay Inay Ceelal Shidaal Oo Dheeraad Ah Ka Qodi Doonaan Dhulka Somalia

0

Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Laysimadda Batroolka ee Wasaaradda Macdanta, Shidaalka iyo kheyraadka Dabiiciga ee dalkaasi, Ketsela Tadese ayaa sheegay inay u baahan yihiin 3 sanno oo dheeraad ah si ay u horumariyaan Kheyraadka Batroolka ee Deegaanadda Is-maamulka Soomaalida ku nool Bariga dalkaasi.

Isagoo la hadlayey Wakaalladda Wararka Etthiopia News Agency (ENA) waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay Tallaabooyin dheer si loo dhamaystiro, ka hor inta aan la gelin Hawlaha Wax-soo-saarka ee Shidaalka.

Ketsela Tadese waxa uu xusay in qodista boqolaal ceelal shidaal oo dheeraad ah ay muhiim u yihiin Horumarinta Tas-hiilaadka Adeegyadda Asaasiga si loo horumariyo sahminta Kheyraadka.