AKHRISO:- Aqoonyahan Oromo ah oo beniyeey midowga Itoobiya iyo Eritrea

0

Jawar Maxamed oo ku nool magaalladda Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa ka hadlay doorkii Dowladihii Ethiopia ku lahaayeen Faragelinta Somalia iyo Isbedelka Siyaasadeed ee haatan ka hanaqaaday dalka Ethiopia.

Aqoonyahankaasi oo ah Agaasimaha Fulinta ee Shabakadda Wararka ee Oromia Media Network waxa uu Barta uu ku leeyahay Twitter-ka kaga hadlay Heshiiskii Is-fahamka ee dhex maray Madaxda dalalka Somali,a Ethiopia iyo Eritrea.

Waxa uu xusay inaysan Hoggaamiyayaasha ku heshiinin inay la isku daro dalalkooda, si ay u noqdaan Hal Waddan.

Waxa kale oo uu sheegay inay Madaxdaasi isku af-garteen inay yeeshaan Iskaashi dhow ee dhinacyada Dhaqaalaha iyo Ammaanka.

Dhinaca kale, waxa uu ku eedeeyey in Maamulkii Weyame (Tigreega) horey u maalgeliyeen wax aan qiimo lahayn, balse aysan Wayame mar kale u soo laaban doonin si ay u taageeraan Deganaansho La’aanta Somalia.