TOP NEWS:-Dawladda Soomaaliya Oo Muqdisho Kusoo Dhawaysay Mawaadiniin Laga Soo Daayay Xabsiyada Tanzania

0

Ergayga xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u qaabishan muhaajiriinta, qaxootiga iyo xaquuqda caruurta, Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf, iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay mawaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daayay xabsiyada dalka Tanzania.

Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa sheegtay intii uu socday qorshaha soo daynta mawaadiniintaan ay safar ku tagtay magaalada Darussalam ee dala Tanzania iyada oo fulinaysa amarka madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaarha Soomaaliya kadibna ay dawladda dalkaas kala hadashay in mawaadiniinta Soomaaliyeed ee xabsiyada ku jira xorriyadooda loo soo celiyo, laguna soo wareejiyo dawladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta markii ay mawaadiniintu kasoo degeen garoonka diyaaradaha waxa uu iyaga iyo eheladooda kula hadlay qadka taleefoonka, isaga oo u sheegay in hoggaanka dalka ay muhiimadda koowaad u tahay badbaadinta dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida uga suganyihiin.

Waalidiinta dhalay mawaadiniita Soomaaliyeed ee xabisyada Tanzania laga soo saaray oo horay uga codsaday dawladda soo daynta carruurtooda, ayaa uga mahadceliyay dadaalka ay ku badbaadiyeen wiilashooda.

Dhallinyada laga soo daayay xabsiyada Tanzania ee maanta dalka lagu soo dhaweeyay ayaa dhankooda uga mahadceliyay dawladda dib-u-helidda xorriyaddii sannadaha badan ka maqnayd.

Dawladda Soomaaliya ayaa horay xabsiya ku yaalla dalal kala duwan waxa ay uga soo daysay mawaadiniin Soomaaliyeed oo qaarkood sannaddo badan ku xirnaa.