SAWIRRO:-Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare oo daah-furay Shir sanadeedkii Labaad Haweenka Xildhibaanada ah ee Heer Federaal iyo Heer Dawlad goboleed

0

Shir Sanadeedkii labaad ee Haweenka Xildhibaanada ah ee heer federaal iyo heer dawlad goboleed ayaa maanta ka furmay Magaaladda Muqdisho, waxaana daah furay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Shirkaan oo socon doona muddo seddex maalin ah ayaa diirada waxaa lagu saari doonaa arrimaha mudnaanta u leh Haweenka, dib u eegista dastuurka qodobada la xariira xaquuqda haweenka iyo sameynta sharciyada xaquuqda haweenka badbaadadooda iyo qodobo kale.

Guddoomiyaha Xildhibaanada Haweenka ah ee golaha shacabka Xildhibaan Mina Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Xildhibaanada Haweenka ee golaha aqalka sare Senator Shukri Aadan ayaa waxay sharaxeen ahmiyadda shirkaan iyo waxyaabaha la filayo inay kasoo baxaan.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dheeraaday doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka, isagoo ugu baaqay in Xildhibaanada haweenka ah in waxyaabo dan u ah ay dalka ay ka soo saaraan shirkaas.