SAWIRRO:-Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka cusub Turkiga ee Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehliyo ku xigeenka labaad, Senator Mowliid Xuseen Guhaad, Habdhowraha Aqalka Sare Cabdi Kaafi Sheekh Xassan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda dalka Turkiga u soo magacaawday Soomaaliya Amb.Mehmet Yilmaz.

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay sidii wada shaqeyn dhinacyo badan ay u yeelan lahaayeen Aqalka sare iyo Safaaradadda Turkiga ee Soomaaliya sidoo kale waxay isla meel dhigeen Xoojinta Xiriirka Walaaltinimada ku dhisan ee ka dhaxeeya labada Wadan.

Mudane Cabdi Xaashi ayaa bogaadiyay Howlaha Dowlada Turkiga ay ka wado Soomaaliya isagoo Safiirka u rajeeyay inuu isbedelo badan kusoo kordhiyo Xiriirka Labada Dowladood.

Safiirka ayaa uga mahad celiyay Guddoonka Aqalka sare sida wanaagsan ay usoo dhaweeyeen ,wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in Soomaaliya ay ku talaabsatay Horumaro dhinacyo kala duwan,isagoo balan qaaday in uu sii xoojin doono xiriirka wanaagsan ee labada dal ka dhaxeeya.