SAWIRO:- Musharrax Madaxweyne Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo waxgarad la kulmay

0

Musharrax Madaxweyne Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta 11 Dec, 2018 waxa uu degmada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug kulamo muhiim ah kula qaatay qaar kamid ah issimada Puntland.

Issimada iyo musharaxa ayaa kulan quraac ah kuwada qaatay Hotel Al-jazeera, waxayna ka wada hadleen xaaladda guud ee Puntland gaar ahaan waqtiga kala guurka ah iyo sida aan looga maarmi karin dowrka ay issimadu ku leeyahay geeddi socodka dawladnimo ee Puntland maadaama ay yihiin marjaca loo laabto marka la wajahayo doorasho iyo nidaam dawli ah oo cusub.

Kulanka uu Musharuxu la qaatay qaar kamid ah issimada Puntland ayaa qayb ka ahaa kulamadii uu la yeelanayey dhamaan issimada Puntland oo ah marjaca loo laabto xillliyada la wajahayo soo dhismaha hay’adaha Dawladda iyo doorashada madaxtinimo ee Puntland.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????