Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo oo buray (AKHRISO)

0

Xoghayaha guud ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdikariin Xaaji Buux ayaa waxuu shaaciyay in uu buray mooshiinkii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay Xoghaye Buux ayaa waxaa lagu sheegay in Mooshinkii Hindisaha Xil ka qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee loo gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka 9kii bishan ayaa jabay keddib markii ay caddeymo qoraal ah soo gudbiyeen 14 xildhibaan oo ku saxiixnaa kuwaas oo ku tilmaamay in lagaga been abuurtay.

Waxaa sidoo kale xusay in Saaka warqad uu u diray Guddoomiyaha iyo labadiisa Ku Xigeen ku xaqiijiyay in tirada rasmiga ah ee soo gudbisay mooshinka uu yahay 78 xildhibaan, sidaas darteedna uusan ahayn mid Golaha la horgeyn karo.