Maxkamadda Sare ee Puntland oo maanta qaadeysa dacwad u dhaxeysa Gaas iyo Camey

0

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maanta qaadeysa dacwad maamul oo u dhaxeysa Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa, kaddib markii uu soo kala dhex galay khilaaf ka dhashay magacaabida labo Guddi oo ay kala magacaabeen.

Wararka laga helayo magaalada Garowe dacwada maanta ay qaadeyso Maxkamadda sare ee Puntland, waxaana goobjoog ka noqon doona dhageysiga dacwada qareeno kala matalaya labada dhinac oo ka wakiil ah Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne kuxigeenka Camey.

Madaxweyne kuxigeenka C/xakiin Camey ayaa Guddi kale ka daba magacaabay guddigii uu horay u magacaabay Madaxweyne Gaas, isagoo sheegay in aanu kala tashan Madaxweynuhu.

Labada dhinac ayaa la filayaa inay kala saarto Maxkamadda sare ee Puntland, iyadoo dhowaan Garyaqaanka Guud ee Puntland uu sharci darro ku tilmaamay guddigii uu magacaabay Madaxweyne kuxigeenka.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa ayaa la sheegay inuu yahay kii u horeeyay noociisa ee soo kala dhex gala Madaxda Puntland, iyadoo la isku diyaarinayo doorashada Madaxtooyada iyo tan Baarlamaanka ee Puntland.