Madaxweyne Farmaajo oo Xafiikiisa ku Qaabilay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa shalay ku qaabilay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda ee Dowladd Talyaaniga  Emanuela C. Del Re.

Kulanka ayaa daba socday booqashadii dhawaan uu Madaxayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku tagay magaalada Roma, waxaana looga hadlay meel marinta heshiisyadii iskaashi ee labada dal gaareen, iyo sidii Talyaanigu Soomaaliya uga caawin lahaa ka soo kabsashada dhibaatooyinkii burburka.

Emanuela Del Re ayaa bogaadisay isbedelka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee ka hir-galay Soomaaliya iyo gebi ahaan gobalka geeska Afrika, taas oo mustaqbal wanaagsan u horseedaysa shucuubta wadamada gobolka.