DHAGEYSO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kormeeray Saldhigga Ciidanka Kumaandooska Danab

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa kormeer shaqo ku tagay Saldhigga Ciidanka Kumaandooska Danab ee ku yaalla Garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha oo ay wehliyeen Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa la kulmay Ciidamo ka tirsan Kumaandooska oo tababar u socda iyo ciidamada kale ee horay xeradaas tababarka ugu qaatay.

S/Gaas Indha Qarshe ayaa ugu baaqay Ciidanka Kumaandooska inay sii xoojiyaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo sheegay in ciidamada ay guulo ka soo hoyeen howlgalada qorsheysan ee ay ka wadaan dalka.

Waxaa uu sheegay in Ciidamadan ay yihiin indhaha iyo udub dhexaadka ciidanka xoogga dalka, waxaana uu uga mahadceliyay guulaha la taaban karo ee ay ka gaareen howlgaladii u dambeeyay ee lagu bartilmaameedsaday goobaha Shabaabka ku sugan yihiin.

Ciidamada Kumaandooska Danab oo uu tababaray Mareykanka ayaa fuliya howlgallo gaarka, waxaana wadajir u fuliyaan howlgalada Ciidamo ka tirsan Mareykanka oo ka taageera dhulka iyo cirka.

Saldhigga Balli-doogle ayaa waxaa ku sugan Ciidamo Mareykan ah oo tiradooda lagu qiyaasay boqolaal, kuwaasoo ka qeyb qaata howlgalada, waxaana dhowrkii sano ee u dmabeeyay xeradaas aheyd mid dhaq dhaqaaqa Mareykanka uu ku leeyahay ay sii xoogeysaneysay