DHAGEYSO:- Musharrax ka hadlay dhismaha Dekadda Garacad

0

Musharrax Madaxweyne Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan degmada Gaalkacayo ayaa maanta 10 Dec, 2018 waxa uu kulan ballaaran la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada degmad gaalkacayo.

????????????????????????????????????

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay xuno muhiim ah oo ka tirsan wafdiga uu hogaaminayo musharrax Siciid Cabdullaahi Deni, odayaasha kala duwan ee degmada, ururada dhallinyarada iyo haweenka.

Xubnihii kulanka ka hadlay ee ka socday bulshada degmada Gaalkacayo ayaa tilmaamay inay si weyn usoo dhoweynayaan Musharrax Siciid Deni, isla markaana ay la shaqayn doonaan xukuumadda uu hogaamin doono haddii alle idmo.

Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si mug weyn ugu mahad celiyay dadweynihii uu kulanka kala qayb galay isagoo ku ammaanay sida ay markasta ugu taagan yihiin horumarka Puntland.

“ Waxaan idiinka mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad kulankan uga soo qayb gasheen, waxaana qporshahayga siyaasadeed ku jirta sidii aan u dhaqaajin lahayn mashruuca dekedda Garacad oo aan ogahay inuu meel wanaagsan marayo, maadaama bulshadu isku tashadeen waxaa lagama maarmaan ah inay dawladda gacan ka helaan, haddii alle idmo maamulkaygu si gaar ah ayuu uga qayb geli doonaa mashruucaas” ayuu yiri musharrax Siciid Cabdullaahi Deni.