AKHRISO:- Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo ka laabtay dacwadii uu u gudbiyay Maxkamadda sare

0

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Camey) ayaa ka laabtay dacwad uu ka gudbiyay Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Dacwada ayaa ahayd mid ku magacaabista Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka,waxaana dacwada Maxkamadda u gudbiyey Madaxweyne kuxigeenka oo sheegay inaan lagala tashan magacaabista Guddiga.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa 3dii bishaan December magacaabay Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka cusub,waxaase kasoo horjeestay Madaxweyne kuxigeenka oo isna magacaabay Guddi kale walow xubnihii Eng. Camey qaarkood is casileen.