TOP NEWS:-Mareykanka & Soomaaliya oo ka wada hadlay dagaalka Al-Shabaab

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa dalka Jordan kula kulmay xoghayaha amniga gudaha Maraykanka, Kirstjen Nielsen.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo xoghayaha amniga gudaha Maraykanka ayaa ka wada hadlay arrimaha khuseeya labada dal gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagaxisada iyo taageerada dawladda Maraykanka ee dib-u-habaynta ciidaanka.

“Waxaa si guul ah noogu soo idlaaday shirkii uu marti geliyay boqorka Jordan iskaashiga caalamka ee la dagaalanka kooxaha nabad diidka”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya

Kulanka Aqaba ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii dhaqaale ahaan, ciidan ahaan iyo fikir ahaanba looga hor-tegi lahaa ficillada abaabulan ee kooxuhu ka gaystaan caalamka oo dhan.