TOP NEWS:-Banaan bax ka dhashay Mooshinka Madaxweynaha oo ka socda Muqdisho

0

Banaan bax ayaa saaka ka bilowday magaalada Muqdisho, iyadoo dadweyne badan ay isugu soo baxeen waddooyinka, kuwaasoo ku dhawaaqaya erayo ay uga soo horjeedaan mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Dadweynaha oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa isugu soo baxay waddooyinka, waxaana ay u badan yihiin dhalinyaro, waxaana ay wataan boorar ay ku qoran yihiin Mooshin dooni meyno, qaran dumis dooni meyno iyo doolar qaate.

Wadada Maka Al-Mukarama iyo qeybo ka mid ah Jidka Wadnaha illaa Sodonka ayaa la arkayay dadweyne isugu soo baxay oo ku qeylinaya erayo ay uga soo horjeedaan Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Banaan baxan oo u muuqda mid abaabulan ayaa la sheegayaa inuu wado Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo dadka laga soo bixiyay degmooyinka ay hoggaaminayaan Guddoomiye waaxeedyada.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa shalay mooshin xil ka qaadis oo ka dhan ah Madaxweynaha u gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo Guddoomiyuhu aqbalay.

Guddoomiye kuxigeenada Baarlamaanka ayaa sharci darro ku tilmaamay mooshinka Madaxweynaha, isla markaana aan xilligan loo baahneyn in dalka la geliyo qalalaase siyaasadeed.