DHAGEYSO:-Xildhibaano ka tirsan BFS oo sheegay in laga been abuurtay magacyadooda

0

Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir, Idirs Cabdi Dhaqtar iyo Huda Axmed Cali oo ka tirsan BFS  ayaa sheegay in laga been abuurtay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanadaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Magacayadooda lagu saxiixay warqadda Mooshin gudbiyaasha, si tirada loogu badsado sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa ay shaaciyeen in aysan ku jiran Mooshinka, sabab ay xiligaan u keenaan Mooshin aan u muuqan, iyagane ay barri ka yihiin.

Xildhibaan Huda ayaa dalbatay in la joojiyo Xildhibaanada Magacyadooda la qoranaya iyaga oo aan ku jirin ama aan wax ka ogeyn Mooshinada iyo Siyaasadaha iska soo horjeeda.