AKHRISO:- Sucuudiga oo diiday in uu Turkiga u dhiibo dadka looga shakisan yahay dilkii Jamaal Khaashuqji

0

Dowladda Sucuudiga ayaa diiday iney Xukuumadda Turkiga u gacan geliso dadka looga shakisan yahay iney ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Khaasuqji.

Wasiirka Arrimaha dibadda Sucuudiga Caadil Al Jubeyr oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Riyaadh ayaa sheegay in aysan muwaadiniintooda u dhiibi doonin cid kale.

….” Ma dhiibi doono muwaadiniintayada” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga…” ayuu yiri Caadil Al Jubeyr.

Caadil Al Jubeyr ayaa ku dhaleeceeyey Turkiga qaabka uu ula wadaagay macluumaadka Boqortooyada Sucuudiga.

….” Waxaan ka codsaneynaa saaxibada Turkiga inay na siiyaan caddeymaha ay hayaan si aan ugu bandhigno maxkamadda, uma aanan helin macluumaadka qaabkii la rabay”..ayuu yiri Caadil Al Jubeyr.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa todobaad ka hor codsaday in dalkiisa loo soo gacan geliyo dadka lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilla weriye Jamaal Khaashuqji.

Maxkamad ku taalla Turkiga ayaa arbacadii soo saartay warqad lagu xirayo dadkaas oo ay kamid yihiin Axmed Al casiiri oo ahaan jiray Taliye sare oo ka tirsan Sirdoonka Sucuudiga iyo la taliyihii hore ee Qoyska reer Boqor Sacuud Al Qaxddaan.