AKHRISO:- Madaxweyne Gaas Oo Daahfuray Tallaalka Iyo Daaweynta Xoolaha ee Deegaanada Puntland.

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 10 December 2018 waxaa uu daahfurey Tallaalka iyo daaweynta Xoolaha ee deegaanada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinayey daahfurka Tallaalka iyo daaweynta xoolaha Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Puntland Cabdulaahi Sheekh, Wasiir ku xigeenkia wasaarada Nuur Axmed Yuusuf , wasiirudowlaha wasaarada Xanaanada Xoolaha Cabdirshiid Cali Geele, saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, dhakhaatiir iyo qaar kamida shaqaalaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

Mashruucan Tallaalka xoolaha iyo daweyntooda oo socon doona mudo 45 cisho ah ayaa waxaa Tallaal iyo daweyn loogu sameynayaa xoolo kabadan 3,000 000 (Sadex Milyan) waxana gacan kasiinaya Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Puntland EUROPEAN UNION & Hay’adda FAO.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kalmad kooban ka jeediyey daahfurka Tallaaka ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa,

“Waan idin salaamayaa dhammaanitiin sharf ayeey ii tahay in aan kasoo qayb galo munaasabadan shaqada aad haysaa waa shaqo wanaagsan, waa dhaqaalihii dalka, waa wax soo saarkii dalka, laf dhabartii dhaqaalaha wadankeena waa xoolaha, daweyntooda, tallaal kooda waa muhiim waa in aan ilaashano ka fikirno caafimaadkooda, waa in aad wacyi-geli saan xoolo dhaqatada sidii ay uga shaqayn lahaayeen caafimaadka xoolaha” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee Wasaardda Xanaanada Xoolaha iyo qaybaha lagu keydiyo tallaalka iyo daawada xoolaha.