DHAGEYSO: Wasiirka Gaashandhiga DFS” Shabaabkii Howlgal lagu qabto Ciidanku ha toogten ‘

0

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa Maanta go’aamiyay in xilligaan wixii ka dambeeyay aan xabsiga la geyn doonin Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee la qabto.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo Warbaahinta kula hadlay muqdisho ayaa sheegay in dhowr mar Al-Shabaab farriimo iyo digniino isugu dareen,hayeeshee ay ka biyo diideen.

Waxa uu sheegay in hadda wixii ka dambeeya aan la ogolaan doonin in Nin ka tirsan Shabaab uu qof dilo ama dhaawacp kadibna Xabsi la geeyo,hayeeshee goobtii lagu karo lagu dilo doono.