QORMO:- Marxaladda Puntland ee Maanta

0

Ninbaa waraystay walaalkii oo yiri war heedhe bal qoftii heblaayo ahayd kawran,wixuu yiri kawaramee maxaad ku ogayd? wuxuu yiri buuq iyo qaylo badan. wuxuu yiri hada dad cunimo ayay ku darsatay. Dawlad goboleedka Puntland dikteeytar ah kaligiis taliye nidaam ahi in uu kajiro waa ogayn,hadase xero ciyaala suuq ayay isu badashay oo ku cusub dagaanka.

Dadka sida aadka ah uugu dhuun daloola arimaha iyo siyaasada Puntland,waxay cadeeyeen in tan iyo intii uu yimid xukunka Puntland dr gaas,in ay isbadashay hab dhaqankii iyo siyaasadii Puntland,gudaha iyo dibadaba.Puntland oo ahayd maamuladii uugu hor dhismay koonfurta soomaaliya,ayaa door muuqda ka qaatay baadigoobkii in dalka soomaaliya laga saaro dhibaatada dawlad la aaneed.

Madaxweynihii u horeeyay ee Puntland ayaa ku guulaystay in uu caasimadii dalka wax ka qabto soono celiyo madaxtooyadii looga arimiyo dalka soomaaliya. Puntland waxay geed dheer iyo mid gaabanba ufuushay in dalka soomaaliyeed lagu soo dabaalo nidaamka fadaraalka ah.Arinkaa waxaa ka horyimid gobolo badan oo soomaaliyeed oo aysan la qumanayn nidaamkaas oo ah mid dalkeena ku cusub.

Puntland waxay sheegatay kuna celcelisay in ay tahay hooyadii fadaraalka soomaaliya,waana loo aqoon saday.baaritaan iyo u kuur galid xeel dheer waxaa noo soobaxday in ay Puntland si cad u diidantahay nidaamka fadaraalka ah guud ahaan tiisba. waxaana kuu cadaynkara sida indho la aanta ah ee ay Puntalnd u abuurtay wax kasoo horjeeda nidaamka fadaraalka soomaaliya,oo ah in ay samaysay urur kooxeed maamul goboleedyadii fadaraalka xubnaha ka ahaa,ee hoos imaanaayay dawlada dhexe ee fadaraalka soomaaliyeed.

Qaab u eg dagaal oogayaashii,laga raystay ee sanooyin laga soo gudbay ayay samaysay Puntland taasoo dadkii soomaaliyeed argagax iyo xusuus xun galisay. waxay isugu tageen in ay burburiyaan dawladii xubnaha ay ka ahaayeen ee fadaraalka,si dalku uugu sii jiro xasilooni daro iyo fawdo dawlad la aan ah iyaguna u sii ahaadaan madax aan israbin oo midba meel haysto oo lamid ah qaabkii dagaal ogayaashu Mogdisho ukala haysteen xaafadaheeda.

Puntland waxay xiriir lasamaysay dawlado shisheeye oo waliba qaarkood aysan dawladeena fadaralaalka ahi isku wanagsanayn, waxayna had iyo jeer garab gashaa oo la safataa Puntland cidkastoo dawlada soomaaliyeed cadaw u ah dal iyo dibadba. Sida uu qabo nidaamka fadaraalku dawlada dhexe ayaa iska leh wixii ku saabsan ciidanka dalka,xiriirka dawladaha tii aynu la heshiis nahay iyo tii aynu la caloobiba.

Puntland waa diiday nidaamkaa fadaraalka ah,xuquuqdii dawladii mogdisho fadhidayna way udiiday oo waxay iska dhigtay mid kamadax banaan oo ah dawlad gooniya! hooyadii fadaraalka ayaan ahay fadaraalkiina waa diidayaa meel mawada gashaa? dhabtu waxaa weeye Puntland waa hooyo fadaraal diid ah hada.

Xasiloonidii iyo nidaamkii dhaqaale ee Puntland waxa uu noqday mid baylah ah,karaamadii Puntland dhulkay ku dhacday,maxaakeenay? wax kale maha waa nin wax ka siyihiin oo meesha ku yimid hagbad uu xaq u lahaa qaadashadeeda sida rag akhyaar ahi hore ugu heeshiinba. maha nin lagu doortay laguna qiimeeyay dad nimadiisa nasiib daro. waana dhibatada laga dhaxlo markii dad yari meel xirtaan oo isku koobaan,halkaasna uu ku dhumo wax garadkii iyo haldoorkii dalka wadilahaa.

Marhadii si daahfuran oo xor iyo xalaal ah wax loo dooran waayo,oo shacabka rabitaankiisa loo siin waayo fursad waxaa laga dhaxlaa waxaa ka muuqda Puntland,oo maanta meel walba ka soo xirantay qaylo iyo buuq lataagan soomaali dhexdeed,maray dawladii fadaraalka buuq galiyaan iyo mar ay dhexdeedii buuqsantahay sidaa aad uwada jeedaan. maxaa yeelay nin u dhashay dadka puntland laakiin dhuusamareeb ku dhashay kuna koray,oo qaab akhyaareedba aan usuubsanayn,watana dhaqan uu halkaa kala yimid ayaa ka dhigay Puntland wax qasmooyee aan miyir siyaasaba lahayn.

Been xayte weeye oo wakaa Tukaraq ciidama dhoobay,lugooyo ah,wakaa daganaanshihii u diiday somaliland oo nabad ahayd,waa kaa fadaraalkii diiday,ciidanka fadaraalka waa xaq in ay yimaadaan gobol walba wuu diiday,fadaraalna wuu ku doodi jiray. doorashadii wakaa buuqa galiyay puntland oo si sharafleh xukunkii uga dagi la ilaa hada,raba in uu qas wax ku helo. Puntland siyaasadeedii waxay noqotay qaab waa MOGDISHO ahaan jirtay hada mahee! waa nin shilin mooyee aan xarago dhugan abidkii.

Dadka Puntland yasan sii daawan ninkan shaasheeyay sharafkoodii,meel walbana kasoo xiray ee godoomiyay xaruntii xadaarada soomaaliyeed.

W/Q yuusuf Cumar