SAWIRRO:-Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Hogaamiyaha Jubaland oo ku kulmay Kismaayo

0

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweyne ku xigeenka labaad gudoonka Baarlamaanka iyo qaar kamid ah Bulshada magaalada ayaa qayb ka ahayd soo dhawaynta wafdigan.

Axmed madoobe ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka wafdigan ee qayb kamid ah dalkooda iyagoo waliba si gaar ah u matalaya Dowladaha xubnaha ka ah JFS.

Hogaamiyaha jubbaland wuxuu sheegay oo kale in Dhismaha wadanka iyo howlaha soo noolaynta rajada ay masuul ka yihiin Aqalka sare iyo odayaasha waayo araga ah ee aan lagu halayn qof ama koox gaar ah oo aan marxalada wadanka wax badan kala socon iyo halka laga yimid.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee uu kismaayo yimaado burburkii kadib waxaana uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu maanta yimaado iyadoo nabadgalyo iyo Dowladnimo ay ka jirto.

Wuxuu sheegay in uu rajaynayo in Midnimada iyo nabadgalyada dalka oo dhan la gaadhsiiyo si Soomaaliya oo dhan ay u gaarto oo wadanku u xasilo.