DHAGEYSO+SAWIRRO:-Golaha Aqalka Sare Oo Yeeshay Kulan Muhiim Ah

0

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaaliyeed ayaa maanta Mariyay Akhrinta 1 aad Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga Nafada Qaranka.

Hindise sharciyeedka ayaa ka soo gudbay Golaha Shaacabka BFS ayadoo uu maaray maanta akhrinta 1 aad waxaana lagu wareejiyay guddiga u xil saaran si looga shaqeeyo qeeybaha xigo Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta & Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta Golaha Aqalka Sare ayaa lagu wareejiyay.

Waxaa soo xaadiray 29 senator,Waxaa kaloo ka soo qeyb galay fadhiga, wasiirka Wasaarada Haweenka Marwo Deeqa Yaasiin Xaaji.

Kulanka Waxaa shir gudoominayay Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Maxamad Axmad .