Jebiye:Liisaska kala duwan ee soo baxay waxay muujineysa khatarta ku soo socota nidaamkii iyo haykalkii dowladnimo

0

Maxamuud Khaliif jabiye oo ka mid ah musharixiinta u tartamaya doorashada Puntland ayaa war ka soo saaray Liisaska is khilaafsan ee guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland, waxaana uu sheegay inay soo baxeen waxyaabihii ay ka digayeen ee la xiriira magacaabista guddiga

“Kadib markaan aragney liisaska is khilaafsan ee magacaabidda guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada golaha wakiilada ee Puntland ee ka soo kala baxay isla Dowladda Puntland, waxaan hoosta ka xariiqeynaa in ay soo baxdey waxyaabihii aan ka digeyney ee la xiriirta magacaabista guddiga xalinta khilafaadka iyo ansixinta Xildhibaanada golaha wakiilada, taas oo horseedi karta khalkhal siyaasadeed” ayuu yiri Musharax Jabiye
Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in madaxda sare ee Puntland ay ku fashilmeen inay magacaabaan guddi loo dhan yahay oo talo lga geliyey musharixiinta, isagoo ka digay khatarta ku soo socota nidaamka iyo haykal dowladnimo ee Puntland
“Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Anisixnta Xildhibaanadu waa in ay noqdaan kuwo leh waayo-aragnimo la xiriirta xalinta arrimaha khilaafaadka, aqoon u leh dhaqanka iyo nidaamka beelaha, dhex-dhexaad ka ah arrimaha siyaasadda, bulshada dhexdeedana ku leh sumcad iyo ixtiraam” ayuu yiri
Wuxuu ku baaqay in la isugu yimaado shir deg-deg ah, oo ay ka soo qayb-galaan hoggaanka Puntland sida musharixiinta iyo Isimadda Puntland si looga wadatashado guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada
“Dhamaan daneeyaasha arrimaha Puntland waxaan ugu baaqeynaa in ay si toos ah ula socdaan geedi socodka doorashada Puntland, si loo ilaaliyo nabadda, wadajirka iyo nidaamka dowldnimo ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya” ayuu yiri
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa ayaa soo saaray labo Liis oo kala duwan oo ay ku sheegeen inay yihiin Guddiga Xalinta iyo ansixinta xubnaha barlamaanka ee soo socda. guddigaas waxaa ka horyimid Musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha.