DHAGEYSO:-Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Maanta Ku Wajahan Magalada Kismaayo

0

Waxaa la filayaa in wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ay u ambabaxaan Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga ayaa ujeedka safarkooda waxa uu yahay sidii ay wadahadallo ula yeelan lahaayeen Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe si loo dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan qorshaha lagu xalinayo khilaafka dowladda iyo Dowlad Goboleedyada oo hadda ah mid geba-gabo ah,isla markaana kala hadlaan Madaxda Jubbaland.