Akhriso:-Taliyihii Qeybta 12 Apriil Iyo Saraakiil Kale Oo Qarax Lagu Dilay

0

Wararka aan ka helayno gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayan in qarax miino ay ku geeriyoodeen Taliyihii Qeybta 12 Apriil iyo Saraakiil kale.

Miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa la sheegay in ay la qaraxday Gawaari ay wateen Taliyihii Qeybta 12 Apriil Cumar dheere  iyo Abaandullaha Qeybta 12April General Cabdi Cali Jamaame.

Saraakiishaa ayaa la sheegay in qaraxa Miinada lagula eegtay Aaga dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo dhawaan ay la wareegeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.