AKHRISO:- Ciidamadda Amniga Baydhabo oo howlgalo wadda

0

Ciidamada Booliska ee ku sugan Magaalada Baydhabo oo wada howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka Magaaladaas.

Xilli 19 bishan ku beegan tahay Doorashadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa habeenadii ugu danbeeyey ayey halkaas kawadaan Ciidanka Booliska kuwaas oo si-gaar ah ugu xaqiijinayaan Ammaanka Magaaladda si doorashadu siwanaagsan ugu qabsoonto.

Ciidanka Booliska ayaa howlgalada ka sameeyey inta badan Xaafadaha ay ka kooban taha Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidanka ayaa intii ay ku gudo jireen waxaa ay soo qab-qabteen dad faro badan kuwaas oo looga shakisan yahay inay xiriir la-leeyihiin Maleeshiyaadka Al Shabaab sidda uu soo sheegayo Wariyaha Warbaahinta Qaranka uga soo warama Baydhabo Siraaji Sheekh Isxaaq

Magaalada Baydhabo ayaa Habeen ka hor waxaa qeybo kamid ah Magaalada lagu tuuray Bambo taas oo sidoo kale Ciidanka Boolisku Baaritaan ku hayaan dadkii tuuray.