TOP NEWS :-Mudo Dheer Kadib Maraykanka Oo Safaarad Rasmi Ah Ka Furtay Somalia

0

Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa shaacisay inay maalintii Axadda ee la soo dhaafay ay si rasmi ahaan Safaaradooda uga furteen Somalia.

Hadal ka soo baxday Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Dhacdo Taariikhi ah tahay Furitaanka Safaaraddaasi, waana markii ugu horreysay  muddo 28-sanno kadib oo ay Maraykanka dib uga furtaan Safaaradooda, tan iyo Burburkii Dowladeed ee Somalia ee sannadkii 1991-kii.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka oo la hadlay Telefishinka ABC NEWS ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo Tirada Diplomaasiyiinta iyo Shaqaalaha  ka hawl-geli doona Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Muqdisho.

Sarkaalkaasi waxa uu tilmaamay inta badan shaqaalaha Safaaradda ku sii nagaan doonaan Safaaradda Maraykanka ku leeyihiin Nairobi.

Mana kala cadda tirada Diplomaasiyiinta Maraykanka ee sida buuxda loo dejiyey Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Dhinaca kale, ma kala cadda haddii uu Danjiraha Maraykanka uga wakiilka ah Somalia, Ambassador Donald Yamamoto ka mid noqon doono Diplomaasiyiinta Maraykanka ee u soo dhaqaaqi doona inay ka hawl-galaan Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, Safaafaaradda Maraykanka waxay fariisin ka dhigan doonaan Deegaanka aadka loo ilaaliyo ee Xeradda Xalane, halkaasi oo ay deggan yihiin Safaaraddo kale oo Reer Galbeed ah, maadaama Dhismihii hore ee Safaaradda ee Siliga Maraykanka ay degaan ka dhigteen Dad u badan Barakacayaal.