DHAGEYSO:-Wararkii ugu dambeeyay xaalada amniga magaalada Baydhabo

0

Iyadoo 19-ka bishan lagu wado inay magaalada Baydhabo ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayaa waxaa ka socda xaafadaha magaalada howlgallo lagu sugayo amniga magaalada.

Labadii habeen ee la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada ka dhacay weeraro bambaano oo sababay dhaawacyo, iyadoo xalay bam gacmeed lagu weeraray fariisin ciidanka Amniga ku sugnaayeen, kaasoo sababay dhaawaca saddex askari.

Saraakiisha Amniga ayaa ugu baaqay shacabka inay kala shaqeeyaan ciidamada xaqiijinta amniga magaalada iyo sidii doorashada ay ugu dhici laheyd qaab nabdoon.

Ciidamada ayaa xaafadaha qaar ee magaalada ka wada howlgallo lagu sugayo amniga, inkastoo aanay jirin cid loo soo qabtay weeraradii bambaano magaalada ka dhacay.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka qaba xiisadaha siyaasadeed iyo xaalada amni ee soo korortay.