DHAGEYSO:-Mid Ka Mid Ah Guddigii Uu Magacaabay Madaxweye Ku Xigeenka Puntland Oo Is Casilay

0

Axmed Aadan Carab oo kamid ah Guddiga Khilaafka Baarlamaanka Puntland ee uu magacaabay Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland  Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey ayaa ku dhawaaqay in uu xubinimadii uu iska casilay.

Waxa uu sheegay in uu maqlay isaga oo ku sugan Gurigiisa in lagu daray xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka Puntland,isla markaana aan wax wadatashi ah lagala yeelan.

Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Magalada Garoowe ayuu ku sheegay in Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Golaha Wakiilada Puntland uu Magacaabistooda xaq u leeyahay Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas.