Ciidamo Isugu Jiray Soomaali Iyo Mareykan Oo Weerar Ka Fuliyay Sh/Hoose

0

Xalay ayaa Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya oo garab ka helaya kuwo Mareykan ah waxa ay weeraeen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo ay Maamulaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ciidamada Mareykanka oo watay Diyaarado ayaa ku degay duleedka degmada awdheegle,iyaga oo qaab lug ah ku galay gudaha Magalada,waxaa agagaarka Saldhiga awdheegle uu dagaal xoogan ku dhexmaray Ciidamada Mareykanka iyo Al-Shabaab.

Wararka aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in laba Gantaal oo ay diyaaradaha Mareykanka rideen ay ku kala dhaceen Xaafadda Caanoole ee degmada awdheegle iyo Suuqa degmadaas,hayeeshee aan weli la ogeyn  khasaaraha ay geysteen.

Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay ku sheegeen inay fashiliyeen weerar ay Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Baangaraafta  ku qaadeen degmada awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.