AKHRISO:- Musharrax Madaxweyne PL Cabdirsaaq Jana Gale oo ka hadlay Xaladda Puntland iyo Guddiyada la magacabay

0

Waamid loo wada fadhiyo,dal iyo dibadba doorasho ka dhacaysa Puntland bilawga sanadka cusub 2019 hadii illaahay idmo.Hadaad eegto Puntland waxaa kajira maamul mudo dheer soo dhisnaa,soona maray qaabab kala duwan.shacabka Puntland ayaa ah dad wadniyiin ah oo had iyo jeer ku dadaala illaalinta danta guud. Waxaa dhaliil mudan mudadaas dheer in aysan helin oo aysan gaarin wali qaab siyaasadeed ku salaysan xisbiyo.

Maanta dunida oo dhan iyo soomaaliya guud ahaan waxay isha ku hayaan,hanaanka doorasho ee kasocda Puntland,xiisaha uugu wayn ayaa ah shacabka Puntland oo go aan saday isbadal cusub iyo hogaan cusub sanadkaan,iyagoo higsanaaya hormar iyo la jaan qaadid,siyaasada dalka soomaaliya ee fadaraalka ah iyo caalamkaba ka Puntland ahaan.

Sanadkan way muuqataa in ay sharaxan yihiin rag,sida qoraxda ay cidwalba uugu muuqato iyana umuuqda in ay leeyihiin,aragtidii iyo kartidii iyo xikmadii iyo xirfadii Puntland lagu hogaamin lahaa oo sharci,sinaan iyo cadaalad loogu soo dabaali lihaa.waan arkaynaa rag maanta halkay joogto Puntland ka qaadi kara gaarsiinkarana midnimo,hormar iyo nidaam dawladnimo oo saldhigta.Waxaan ka tilmaami karaa ragaas tusaale ahaan Mudane Abdirsaq Jannagale.

Dadku waa wada dhashay Puntland sidaa daraadeed waxay u baahan yihiin,in ay xushaan haldoorkooda leh hogaaminta saxda ah ee looga baahan yahay Puntland maanta.waxaan taageer sanahay,soona dhawaynaynaa talo soo jeedinta musharixiinta Puntland aysoo jeediyeen.

Waxaan fahan sanahay,masiirka umadeena in uusan mugdi galin.hada waxa laga hadlaayo ayaa ah gudi la dhiso oo inooga shaqeeya hagida doorashada,kuna eg kolkii ay dhamaato doorashadu.waxaa cagligu ogolyahay in maslaxada Puntland aan lagu cabirin dan uu doonayo nin madax ah hada iyo mid maagane ah mustaqbalka dhaw.

Waxalaga hadlayo ayaa ah,xeer iyo nidaam iyo sharci dan u ah qofkastoo Puntland ah.gudi doorashada inoo agaasimaa,waa jirayaa marwalba,laakiin shaksiyaadku waa isbadalaan,sidaa daraadeed waxa dan u ah dadkeena oo dhan iyo dalkeena ayaa ah in loo dhiso qaab wada ogol ah oo cadaalad ah,lana wada dhistay.wixii intaa kadanbeeya hada kadibna qaabkaas unbaynu raacaynaa qofna isagoon qabin was waas iyo eex iyo shaki. waa inagu ceeb gudi xulistiis in aynu doorasho walba isku jiid jiidano oo isku nacno wax ku filan oo kaliya sharci qoran oo sugan oo dagsan.

Waaruntii Mudane Jannagale markuu yiri ” Madaxweyne xukunkii waa ka dagay waa xaq waan u tartamina waa gar,gudigaan dhisi kaligay nama qabato” waa runtii xaq weeye oo hade xiligiisii xilka ayaa dhamaaday,dhanka kale in uu marlabaad isa soo sharaxo oo tartamaa waa gar oo sharcigaa u ogolaaday, waa gartood musharixiinta,mana qabato iyaga iyo shacabkaba in madaxweyne gudiga doorashada isagoo kamid ah musharixiinta gacantiisa kusoo xulo oo ku qoro ama dhiso,halkii loowada dhamaan lahaa kalina wada jirkaa ka fiican kol hadii wax laysla wada leeyahay.

Qofku waa in uu san kafakarin maanta uun.nidaam haduu wuxu yahayna shacabkaa leh oo dhaxla markaa waxaan ixtiraamaynaa madaxwaynaha hada jira iyo dawladiisa,waxaan ixtiraamaynaa musharixiinta kuligood,xaqu waxaa weeye in ay inoo dhisaan qaab loo dhanyahay oo gudiga ah,doorashadana qaabka uugu heerka sareeya lagu daadihiyo oo ah cadaalad iyo xaq inagoo illaahay ka cabsanaynayna,dadkeenana u naxayna.

Hadii meesha ay kabaxdo,wax isdaba marin,nin jeclaysi,eex,lugooyo,sharci daro,oo doorashadu inoogu dhacdo sharci iyo cadaalad ninkii Illaahay u qadaraana sidaa lagu doorto,eex la aan,waxaa hubaal ah in dad ahaan iyo dal ahaanba ay Puntland gaarayso hormar iyo barwaaqo. hadaynu nahay shacabka Puntalnd waxaa danteenu ku jirtaa madaxweynaha iyo musharixiinta oo gacmaha isqabsada gudigana inoo dhisa,waana qabaa in ay sidaa yeelayaan maadaama ay yihiin badankoodu rag aqoon leh oo fiiro dheer