AKHRISO:- Ciidamadda NISA oo Saraakil shabaab ah qabtay

0

Taliska ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa wuxuu sheegay inuu gacanta ku dhigay nin ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidanka NISA.

NISA ayaa sheegtay hawlgalkan uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana Ninkaan waqtiyo badan baadi goob iyo dabagal ay ciidamada ku hayeen.

Hawlgalkan ayaa inta uu socday waxaanan jirin cid wax ku noqotay, Ninka la soo qabtay ayaa waxa la geeyay mid ka mid ah xarumaha baarista ee ciidanka dowladda federaalka.

Ninkaan la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magaciisa, balse Taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana ay ku jiro gacanta dowladda.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here