DHAGEYSO:- Madaxweynaha Hiirshabeele oo caro kala duldhacay shacabka Hiiran

0

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay isbadalada lagu sameeyay maamulka Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Waare ayaa dhaliil culus u jeediyay shacabka ku nool Magaalada Baladweyne,isla markaana isagoo ku dhaliilay inaysan la shaqeyn maamulka Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynaha in isbadalada lagu sameeyo maamulka Gobolka uusan wax macno ah lahey, looga baahan yahay shacabka reer Baladweyne in ay la shaqeeyaan Guddoomiyaha Gobolka.