Kooxo Hubeysan Oo Dil Ka Geystay Degmada Afgooye

0

Rag hubeysan ayaa waxa ay dil ka geysteen Xaafad ka mid ah degmada afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dad ku sugan Afgooye ayaa warbaahinta u  sheegay in Rag bustoolado ku hubeysnaa ay Xaafada Dhagaxtuur gaar ahaan agagaarka Daarta Macmacaanka ku dileen Nin Magaciisa lagu sheegay Asad Maxamed Qaasim (Asad Gaab)

Dadkii ka dambeeyay dilkaas ayaa goobta ka baxsaday,waxana gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,kuwaas oo baaritaano halkaasi ka sameeyay wallow aan dilkaasi weli dad loo qaban.