DHAGEYSO:- Duqa Muqdisho oo amaro cusub soo saaray

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa farriin isugu jirta Amar iyo dardaaran u jeediyay Ganacsatada Magalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka gobolka Banaadi uu wado howlihaha Nadaafadeed ee laga sameynayo degmooyinka Gobolka Banaadir qof walba oo Muqdisho ku nool ay waajib ku tahay.

Dadka ku Ganacsada hareeraha Wadooyinka degmooyinka Gobolka Banaadir ayuu sheegay in aan laga aqbali doonin in Wadooyinka ay qashin ku shubaan,hayeeshee laga doonayo inay bixiyaan lacagaha lagu fulinayo howlaha Nadaafadeed.