Safaaradda Mareykanka Ee Soomaaliya Oo Lagu Wado In Loo Soo Rarayo Muqdisho

0

Danjiraha cusub ee Dowladda Mareykanka u qaabilsan Somaaliya Donald Yamamoto, ayaa sheegay in safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo rarayo Magaalada Muqdisho.

Mr Donald Yamamoto, ayaa sheegay in soo wareejinta Safaaradda oo hadda ku taalla Nairobo ay dhaceyso ka hor inta uusan dhamaan sanadkan oo ay bil ka dhimantahay.

Xoghayihii hore ee Arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa 2015kii mar uu booqaso ku yimid Muqdisho ku dhawaaqay in safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ku taalla Nairobi loo rarayo Muqdisho mustaqbalka dhow.

Mareykanka safaraad kuma laha ilaa hadda Soomaaliya,waxaana ay tan iyo 1991kii ku shaqeysaa Magaalada Nairobi.

Kaliya howlgal diblomaasiyadeed ayaa lagu magacaabaa Xafiiska Mareykanka ee hadda ka jira Soomaaliya kaas oo ku dhexyaalla Garoonka Diyaradaaha ee Aadan Cadde halkaas oo aaan ahayn goob ku habboon xafiisyada diblomaasiyadeed.

Nr Yamamoto, ayaa warqadaha aqoonsiga diblomaasiyadeed u geeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.