Akhriso:-Shirka Golaha Wasiirada Puntland Oo Looga Hadlay Arrimo Xasaasi Ah

0

Maanta Oo Khamiis Ah 22-11-2018 Waxaa Magaalada Garoowe Ka Qabsoomay Shirka Golaha Wasiirada Maamulka Puntland.

Shirka Oo Uu Shir Guddoominayey Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. C/Weli Max’ed Cali Gaas Ayaa Waxaa Looga Hadlay Arrimo Badan Oo Ay Ka Mid Yihiin Xaaladda Amni Ee Deegaanada Puntland Iyo Xeerarka Ay Ansixiso Xukuumadda Faderaalka Ah Ee Soomaaliya.

Kulanka Ayaa Waxaa Warbixin Looga Dhageystay Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland Waxa Ayna Sheegtay In Amniga Guud Ee Dalka Uu Wanaagsan Yahay Isla-markaana Puntland Diyaar U Tahay Difaaca Dhulka Iyo Dadkeeda Intaba.

Sidoo Kale Wasaaraddu Waxa Ay Shacabka Ku Dhaqan Deegaanada Puntland Uga Digtay Khatarta Kaga Imaan Karta Waxa Ay Ugu Yeertay Arga-gixisada Waxa Ayna Shacabka Ka Dalbatay In Ay Si Dhaw ula Shaqeeyaan Hay’adaha Ammaanka Puntland.

Sidoo Kale Kulanka Golaha Wasiirada Puntland Ayaa Waxaa Maanta Looga Dooday Xeerarka Ay Ansixiso Xukuumadda Faderaalka Ah Ee Soomaaliya.

Goluhu Waxa Uu Sharci Darro Ku Tilmaamay Xeerarka La Ansixiyo Iyada Oo Aan Laga Talo Gelin Dhammaan Dawladaha Xubinta Ka Ah Dawladda Dhexe Ee Dalka Waxa Ayna Puntland Caddeysay In Aysan Xeerarkaas Isla-Markaana Aan Lagu Xukumi Doonin.