DHAGEYSO:- Barlamaanka Galmudug oo Ansixiseey Wasiiro Cusub

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee fadhigoodu yahay magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta Ansixiyay 27 Wasiir oo dhawaan uu soo Magacaabay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

127 Xildhibaan ayaa Ogolaaday Ansixinta Wasiiradda cusub ee Garabka ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug sidda uu warbaahinta u sheegay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmduug Xareed Cali Xareed.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa horgeeyay Xildhibaanada Galmudug Wasiiradda uu soo Magacaabay Madaxweyne Xaaf.

Galmudug ayaa wali labo ukala qeybsan , waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada Galmudug ay ku sugan yihiin Magaalada Cadaado.

Galmudug ayaa horay dhowr jeer dowladda dhexe ku eedeysay in ay ku heyso faragalin oo ay kasoo horjeedo arrimaha maamulka Galmudug.