DHAGEYSO:- Saraakisha amaanka Puntland oo Bajaajlayda fariin u diray

0

Kadib kulan looga hadlayay amniga Magalada Garoowe oo ay ka qeyb galeen Maamulka degmada iyo Saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntland ayaa waxaa laga soo saaray Amaro dhowr ah.

Kulanka ayaa ahaa mid intiisa badan looga hadlayay dhinaca Amniga maadaama deegaanada Puntland ay kusoo fool leeyihiin doorashooyin.

Kulanka kadib ayaa waxaa laga soo saaray Amaro ka soo baxay Guddiga amniga Gobolka Nugaal.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in 11:00 Habeenimo wixii ka dambeeya aysan socon karin Mooto bajaajta dhamaan deegaanada Puntland,hadii lagu arkaana lala wareegi doono.