Shirka Madaxda dalalka afrika oo Maanta la filayo in la soo gabagabeeyo

0

Shirka Golaha guud ee Midawga Afrika ayaa maanta la filayaa in la soo gabagabeeyo, iyadoona shirkan uu soomaaliya u matalayo Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Soomaaliya.

Waxaana shir gudoominayay shirka Paul Kagame oo ah Madaxweynaha Dalka Rwanda, iyadoona shirka uu ka socda Magaalada adis ababa ee dalka Itoobiya.

Qodobada looga hadlayay shirka ayaa waxaa kamid ah ahaa dib-u-habaynta hay’adaha Midawga Afrika, dib-u-habaynta guddiyada midawga, hay’adda horumarinta Midawga Afrika (AUDA) iyo qodobo kale.

Shirka ayaa waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta la soo gaba gabeeyo.