Guddiga cusub ee doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo maanta la magacaabayo

0

Waxaa maanta lagu wadaa in la shaaciyo Guddi cusub oo qaabilsan doorashada Madaxweynaha Koofur galbeed, kaddib markii Guddigii hore ay is casileen.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa la filayaa inuu magacaabo Guddiga doorashada Madaxweynaha, si ay u diyaariyaan howlaha doorashada.

Kulan uu isugu imaan doono Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa la filayaa in lagu horgeeyo xubnaha Guddiga cusub ee doorashada Madaxweynaha, laguna ansixiyo.

Guddigan ayaa la filayaa in 10 maalin gudahood ku diyaariyo howlaha doorashada, waxaana uu soo bandhigi doonaa shuruudo cusub oo laga doonayo Musharaxiinta Madaxweynaha Koofur Galbeed.